Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday xerada ciidanka Jabuuti ee Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay lagu qaaday xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaafiicda oo gaareysay illaa 9 ayaa waxaa la sheegay in qaarkood ay ku hoobteen gudaha saldhigga, halka kuwa kalena ay ku dhaceen xaafadaha Buundweyn iyo Howlwadaag ee magaaladaasi, halkaas oo ay dagan yihiin dad badan oo shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, kuwaas oo ku dhacay duleedka Beledweyne.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen jugta hoobiyeyaashaasi, islamarkaana ay soo wajahday cabsi xoogan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi ay madaafiicda isku wey-daarsadeen ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, maadaamna xilli habeen ah uu dhacay.

Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this