Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mas’uul ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, kaas oo lagu toogtay xaafadda Jamhuuriyo, degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydka ka qaaday halkaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana magaca marxuumka ay ku sheegtay Cabdullaahi Bariise.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Bariise uu ka mid ahaa waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan ka beegsata mas’uuliyiinta iyo askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this