Deeq A. Posted June 16, 2020 Kadib markii wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay sheegtay in magaalada Boosaaso loo qaybiyay afar waaxood oo kala duwan ayaa waxa soo baxaya muran la xiriira sida loo qaybiyay waaxyahaas. Waxgaradka iyo Odayaasha mid kamid ah Beelaha deggan Boosaaso ayaa Maamulka Degmada u sheegay in aysan ku qanacsanayn hannaan loo qaybiyay Afarta waaxood ee Magaalada oo sida ay sheegeen dulmi iyo caddaalad-darro ka muuqato. Balse Maamulka ayaa Waxgaradka iyo Odayaasha la kulmay wuxuu sheegay in aan waxba laga beddeli doonin hannaanka loo qaybiyay Magaalada isagoo tilmaamay in Amniga iyo Hormarka Boosaaso uu sidaas ku jiro. Sidoo kale Arrintaas ayaa Khilaaf ka dhex dhalisay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ku kala aragti duwan sida loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso kuwaas oo qaarkood taageersan yihiin halka qaar kalena ay diiddan yihiin. PUNTLAND POST The post Muran ka dhashay sida loo qaybiyay waaxyaha Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites