Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo soo dhowaysay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka iyo Ururada ku bahoobay Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyey Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo uu ku casumay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaas oo ku saabsan, sidii wadatashiyo looga yeelan lahaa geeddi socodka  Doorashooyinka dalka, Arrimaha Amniga, Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen; Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Masar, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD) iyo Qaramada Midoobay ayay ku soo dhoweeyeen Shirkaasi.

Beesha Caalamku, waxay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ugu baaqday, in ay ka faa’idaystaan fursaddaas, islamarkaana ka heshiiyaan Arrimaha ay ku muransan yihiin, oo ay ku jirto Doorashada, si loogu daneeyo dhammaan Dadka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhriso Qoraalka Beesha Caalamka

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo soo dhowaysay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this