Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdigii Dowladda Soomaaliya Uga Qeyb Galay Shirkii Djibouti oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay furitaanka shirkii wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ka furmay dalka Jamahuuriyadda Jabouti ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray gudaha dalka.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ..

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa dalka Jahbuuti uga qeyb galay Shirka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo uu maanta khubad ka jeediyay munaasabadda daah furka go’aamadii shirka soo baxay.

Madaxweynaha-dalka.jpg Madaxweynaha-Farmaajo.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this