Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul Cusub oo Loo Magacaabay Deegaanka Jaziira

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa lagu magacaabay Maamulka Deegaanka Jaziira ee Degmada Afgooye kadib markii uu ogaaday baahida loo qabo helidda maamul, halkaasi maamula.

Guddoomiyaha ayaa mas’uuliyiinta uu magacaabay waxa ay kala yihiin:

  1. Cismaan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Deegaanka Jaziira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
  2. Xuseen Jilacoow Maxamuud waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee deegaanka Jaziira iyo
  3. Maxamed Shuqaale Maxamed oo isna loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Jaziira.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kula dar daarmay mas’uuliyiinta loo magacaabay deegaanka Jaziira ee degmada Afgooye inay ka soo dhalaalaan howsha loo igmaday.

Magacaabid.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this