Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo ballanqaad muhiim ah ka sameeyey kulanka maanta ee shirka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhoweyd war kasoo saartay kulanka Wada-hadalada Somaliland ee ka socda dalka Jabuuti oo maanta galay wajigii labaad.

Villa Somalia ayaa shirka Wada-hadalada ku tilmaamtay mid ah ‘dhab u heshiinta DFS iyo Somaliland’, xili ay Somaliland mowqif adag ka taagan tahay ‘midnimo dib u dhalata’.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka maanta hadal ka jeediyay shirkaasi ayaa dar-daaran dheer ujeediyay guddiga farsamo ee lagu wareejiyay Wada-hadaladaasi, isaga oo ballan-qaaday in dowladda federaalka ay xalineyso tabashada Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa dalka Jabuuti uga mahad-celiyay kaalinta uu ku lahaa wada-hadalada dib uga furmay dalkaasi maalintii shalay aheyd.

Farmaajo ayaa guddigaasi ku wareejiyay awooda Wada-hadaladaasi, isagoona xusay inuu kalsooni badan ku qabo sidii ay uga talin lahaayeen masiirka umadda kala maqan 30-ka sanno.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal ah?” ayuu yiri  Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan”.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay madaxdii kulanka kasoo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada Somaliland.

104228512_3071819199569204_8618308548561 83073374_3071821096235681_80556670296771 103403188_3071818516235939_8800541290903 104214188_3071818169569307_3134039072894 104243825_3071818342902623_1445139573928 104301167_3071818649569259_5711022938988 104216495_3071819546235836_8844869078792 103276644_3071819912902466_4022519508908 104220351_3071820072902450_4452438569043 104411598_3071820836235707_1355874866384

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this