Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay soo jeedintii Farmaajo ee shir wadatashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay casuumadii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si wadatashi looga yeesho geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, la dagaalka argagixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Qoraal ay wada jir u soo saareen Beljam, Kanada, Shiinaha, Denmark, Midawga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-gobaleedka ku meel gaarka ah ee horumarinta, Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Uganda, Ingiriiska iyo Mareykanka ayay ugu baaqeen hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ka faa’iideystaan ​​fursadan si ay ugu heshiiyaan arrimaha muhuumada qaran leh oo ay ka mid tahay doorashooyinka 2020/2021, waxayna ku taliyeen inuu si dhakhso ah u dhaco shirkaasi, oo uusan dib u dhicin.

Waxay sidoo kale soo dhaweysay Beesha Caalamka raadinta xalka khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo soo dhaweysay soo jeedintii Farmaajo ee shir wadatashi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this