Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helayo weerar dhimasho leh oo Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa daabacday in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xarun ay tuulada Waranqara ku leedahay shirkadda Safaricom.

Wararka waxey intaas ku darayaan in laba qof oo kale ay ku geeriyoodeen weerarka, sidoo kalana uu canug yar dhaawac kasoo gaaray.

Saraakiisha ciidanka waxey warbaahinta maxaliga ah u sheegeen in labada qof ee la dhintay Askariga booliska ah ay ka mid ahaayeen kooxaha weerarka soo qaaday, xarunta la weeraray ayaana ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Mid ka mid ah saraakiisha amaanka ismaamulka Mandheera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday, walow uu diiday inuu faah-faahin dheeri ah weerarka ka siiyo.

Dhinaca kale Al-Shabaab waxey sheegteen masuuliyadda wixii ka dhacay tuulada Waranqara, balse war ka duwan midka saraakiisha amaanka Mandheera ayey kusoo qoreen warbaahinta afkooda ku hadasha.

Waxey sheegeen iney saddex askari oo keenyaan ah ku dileen weerarka, sidoo kalana ay dagaalyahanadooda qabsadeen goobtii ay weerareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this