Sign in to follow this  
Deeq A.

“FARMAAJO Markii Uu Xilka Qabtay Wuu Tuuray Heshiisyaddii Ay Somaliland La Galeen Madaxweynayaashii Ka Horeeyey…” Siyaasi Jaamac Shabeel

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa ka haddlay wadda haddaladii Somaliland iyo Somaaliya ee ka furmay dalka Jabuuti, isla markaana ku soo dhammaaday natiijo la’aanta ee lagu kale kacay, waxaanu sheegay in aan Madaxweyne Farmaajo daacad ka ahayn wadda haddaladaas, balse uu ujeedkiisu ahaa kaanbayn iyo ollole uu ku doonayo inuu doorashada kaabiga u soo saaran uu ku galo.

Siyaasi Jaamac Shabeel oo war-baahinta kula haddlayey Magaalada Hargeysa ,ayaa sheegay in aanay Farmaajo iyo kooxdiisu daacad ka ahayn wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya, waxaanu haddalkiisu u dhignaa siddan “ Farmaajo markii uu meesha yimi wixii uu heshiis sheikh shariif galayna wuu tuuray,wixii uu Xasan Sheekh galayna wuu tuuray ee uu Somaliland la galay,wax isagu uu gelayaana ma jirto oo heshiis ahi oo u Somaliland la gelayaa,Somaliland xaqiiqo ayey ku nooshay cid-na uma baahna.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel

Dhanka kalene Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa sheegay in ujeedada keliya ee uu ka lahaa Farmaajo bilowga wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya ay ahayd mid la xidhiidha ollolihiisa doorshada iyo inuu shacbiga Muqdisho uu u tuso inay Somaliland ka tanaasushay gooni isu taageedii “Farmaajane wuxuu u socdaa inuu been ka iibiyo Somaaliya oo uu yidhaah-do Somaliland ayaa tanaasushay oo uu keenbaynka ku galo.”Ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this