Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda GAVO Iyo Magafayaal Ku Mamay Lacago Kumanaan Kun Oo Doollar Ah Oo Ay Bil Kasta Ka Musuq-maasuqaan Mashruuca Ay Qarashkiisa Bixiso WFP –du Ee Raashin Qaybinta Degaanadda Degmadda Go’da weyn

Recommended Posts

Deeq A.   

“Lacago Ka Badan $146,160 Doollar Oo Ay Farsamo Casri Ah Hab Musuq-maasuq Ugu Qateen”!

(SLT-Berbera) Xoggo soo baxayaa ayaa sheegaya inay Hay’adda GAVO iyo maamulka degmada Go’da weyn oo is kaashanaya ay Lacago kumaan kun oo doollar ah ay bil kasta ka dhex musuq-maasuqaan Mashruuca labada sano socda ee ay Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP-du ay bixiso qarashkiisa,kaas oo ah mid-raashin lagu siiyo dadkii ku caydhoobay abaarihii ee soo barakacay iyo dadka kale ee ay hayntoodu liidato, kuwaas oo ku xaraysan kaamam ku yaal halkaas iyo guddaha tuullooyinka degmadaas,iyadoo ay Hay’adda maxaliga ah ee GAVO ay kasoo qaadatay Hay’adda WFP keliya siddii ay dadka ugu qaybin lahayd raashinkaas oo ay qoyskasta u gaadhsiin lahayd wixii ay u qoondaysay Hay’adda cunadda adduunka ee WFP.

Xoggaha ayaa waxa kaloo ay xuseen in dadka deegaankaas ee ay Hay’adda WFP ku quudisaa halkaasi ay tiradoodu dhan tahay 580 qoys, kuwaas oo 190 qoys ay ku xaraysan yihiin Kaamka Barakacayaasha Ugaas Madow,halka 140 qoysna ay degan yihiin tuulladda Go’da Yar iyo nawaaxigeeda iyo weliba 40 qoys oo tuullada isku dar ah, halka 210 qoysna ay degan yihiin guddaha degmada Go’da weyn iyo hareeraheeda,iyadoo qoys kasta ay Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ugu talogashay inuu hello raashin dhammaystiran bil walba,haseyeeshee Hay’adda Qandraaska ku qaadatay qaybintiisa ee GAVO iyo masuuliiyiinta degmada Go’da weyn ayaa ku kaca falal arxan darran oo ay ku musuq-maasuqayaan raashinkaa loogu tabarucay dadka kusoo barakacay abaariihii, kuwaas qoyskasta kale hadha qayb kamid ah raashinkii loogu talogay oo ay Lacag ahaan ugu qataan Bakhaarka Al-Baraka Store2 ee Berbera oo ay heshiis hoose la geleen,Waxaana xusid mudan in Bakhaarkaas ay isaga si toos ah ugu shubto bil walba Hay’adda WFP lacagta raashinkan 580 qoys, taas oo dhan saddex iyo afartan kun iyo shan boqol oo doollar (580x$75)=$43,500,waxaana qoys kasta loo qoondeeyey in raashin loo siiyo shan iyo toddobaatan doollar $75, balse ma helo qoyskastaa raashin u dhigma lacagtaa.

Dhanka kalena Sidda ka muuqada nuqulo rasiidho ah oo ay dadka deegaanku la wadaageen warbaahinta,ayaa waxay muujinayaan inay Hay’adda WFP ay qoyskasta ugu talo gashay inuu hello raashinkan, Daqiiq 25Kg,Bariis37.5Kg,Sonkor 25-Kg,Baasto 10Kg,Timir, 3Kg, Saliid 3Kg,balse Hay’adda GAVO ayaan gaadhsiin dadkaas raashinkaa uu kor ku xusan yahay caddadkiisu, sidda ay sheegeen dadka deegaanku,waxaanay si aan loo fahmin xeeladooda ay GAVO iyo masuuliyiintaa degaankaas Go’da weyn ay dib uga ururiyaan dadka rasiidhada ay raashinka ku qateen,iyadoo uu qoyskasta ka maqan yahay rashin qiimihuusu yahay $10.5,taas oo noqonaysa bil kasta marka la isku dhufto 580qoysX$10.5 = $6,090 lix kun iyo sagaashan oo dollar,halka ay lacagaha ay habkaa musuq-maasuqa ah u qateen muddo laba sano ah ay noqonayaan lacago dhan $146,160 boqol iyo lix iyo afartan kun oo dollar & boqol iyo lixdan dollar,waxaana xusid muddan in ilaa hadda oo uu mashruucii socda, isla markaana Hay’adda GAVO ee qaadatay qaybtintiisa iyo masuuliyiinta Dowlada ee degmadaas oo isbahaystay ay sii wadataan hawshooda musuq-maasuq.

Geesta kalena hooyooyin ku dhaqan deegaankaas oo ka gaabsaday in Magac-yadooda la sheego ayaa sheegay in maamulka degmada Go’da weyn iyo shaqaalaha Hay’adda GAVO oo ay kale haddleen arrinkaas ay kale kulmeen hanjabaad,iyadoo sidoo kalena dhalinyaro ka haddashay arrintaas lagu xidhay degmadaas ,waxaanay intaas ku dareen in 580qoys in qoyskasta in laga qaado lacag kale, taas oo dhan laba doollar ah oo lagu sheego sooryeynta Shaqaalaha GAVO,iyadoo qofkii bixin waayana aan la siinayn raashin, waxaanay ugu baaqeen Hay’adda WFP-da inay arrintaas ay wax ka qabato, isla markaana ay arragto sidda ay wax u socdaan, sidoo kalena waxay ugu baqeen Xukuumadda Somaliland gaar ahaana maamulka Gobolka saaxil inay arrintaas ay si deg deg ah wax uga qabtaan oo ay sharciga la tiigsadaan qof kasta oo falkaasi foosha xun ka qayb-qaatay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this