Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay inay askar dil iyo dhaawac ugu geysatay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheynaa oo xalay ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu sheegay in weerar gaadma ahaa ay ku dileen hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan nabad sugida, islamarkaana ay dhaawaceen mid kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggiii fuliyey toogashadaasi oo baxsaday ay horey usii kaxeysteen mooto ay wateen askarta la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, marka laga tago sheegashada Al-Shabaab.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah iyo dilal ka fuliya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, inkastoo maalmihii dambe amniga caasimada uu ahaa mid degan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this