Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxey maanta ka shirayaan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ka shiraya sharci muhiim ah, sida ay qaar ka mid ah xildhibaanada soo gaarsiiyeen Caasimadda Online.

Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo muujinaya shirkooda maanta, waxaana laga dalbaday iney wakhtiga ilaaliyaan.

Si kastaba Villa Hargeysa ayey maanta kulan ku yeelanayaan, waana mid ka mid ah kulamada ugu horreeya ee kalfadhigoodii ugu dambeeyay.

Dad badan ayaa is weydiinaya maxey ka shirayaan xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo ay jirto arrin xasaasi ah oo ah wadahadallada Somaliya iyo Somaliland oo maalintoodii labaad ka soconaya dalka Jabuuti.

Golaha Shacabka maanta waxey ka doodi doonaan sharciga Nootaayooyinka dalka, waxaana la ogyahay iney xildhibaanadu usoo mariyeen akhrintii ugu horreysay.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla shaqooyin badan maadaama muddo xileedkooda uu dhaw yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this