Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qaadacday Wada-hadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka ayaa si rasmiya u shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Wada-hadal kasta oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Somaliland oo aan door laga siin Puntland aysan aqoonsan doonin Natiijada ka soo baxda maadaama ay Xuduud la wadaagto Somaliland islamarkaana ay Degaanno ka haysato.

Wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Shalay ka furmay Waddanka Jabuuti ayaan weli si cad loo Shaacin Ajandaha looga hadlayo marka laga reebo War-murtiyeed hordhac ah oo ka soo baxay Shirka kaas oo ay ugu muhiimsantahay in uu sii socdo Wad-hadalka labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo qaadacday Wada-hadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this