Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed laga soo saaray Wada-hadalka dowladda Federaalka iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

War-murtiyeed ka soo baxay Wada-hadalka madaxda dowladda Federaalka iyo Somaliland  uga socday magaalada Jabuuti ayaa lagu soo bandhigay qodoba hordhac ah oo labada dhinac ku heshiiyeen.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa isla gartay in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay.

Dhinacyada ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac.

Sidoo kale waxa la isla gartay in ay  lagama maarmaan tahay in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal.

Kulankaas wuxuu ku boorriyay  dhammaan dalalka gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan.

PUNTLAND POST

The post War-murtiyeed laga soo saaray Wada-hadalka dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this