Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii  Somaliland & Somalia uga socday Jabuuti 

Recommended Posts

Deeq A.   

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii  Somaliland & Somalia ee Jabuuti

geelle-3.jpg

 Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa war-murtiyeed kasoo saartay shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha beesha caalamka.

Sida ku cad war-murtiyeedka, wax qodobo ah oo la taaban karo kama soo bixin shirka, waxaana uu muujinayaa in labada madaxweyne aysan sii joogi doonin Jabuuti wixii maanta ka dambeeya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada. Kulamada guddigan ayaa la isku raacan inay ka dhacaan Jabuuti.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac ay lagu sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale isla gartay inaan la siyaasadeen kaalmada horumarinta iyo maal-gelinta. Qodobkan ayaa u muuqda mid Somaliland guul ka gaartay, maadaama horey dowladda Soomaaliya u joojisay deeqdii Somaliland kadib markii ay qasabtay in ayada loo soo mariyo.

 

Halkan ka akhriso warbixintaas.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka

EafOew6WsAAuvN_.jpegEafOew4XYAEVwS3.jpeg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this