Deeq A. Posted June 14, 2020 Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday war-murtiyeed ay ku sheegtay inuu ahaa qabyo qoraal oo kasoo baxay shirka Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Sida aan xogta ku helnay, dowladda ayaa ka hor-timid ereyao dhowr ah oo ku qoran war-murtiyeedka, taasi oo wax u dhimeysa madax-banaanida dalka. Ereyadaas ayaa waxaa ka mid labada dal, labada shacab, iyo Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu isna soo saaray oo kooban ku yiri “Laba arrimood ayaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo; 1. War-murtiyeedka lagu faafiyay baraha bulshada maha mid rasmi ah. Wali waa laga shaqeynayaa si qoraal la isla ogol yahay usoo baxo. 2. Wadahadallada waxay u dhaxeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee maha wada hadal Soomaaliya-Somaliland u dhaxeeya sida warbaahinta qaar ay qoreyso.” War-saxaafadeedka ayaa ah mid sax ah oo aan la been abuurin, waxaana saaran shaabadda wasaaradda arrimaha dibedda Jabuuti, hase yeeshee Cabdinuur ayaa Caasimada Online u sheegay in la bahaiyey ayada oo aysan ogolaan ama aan lagala tashan dowladda Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma cadda sida qoraalka ku baahay, iyo cidda ka dambeysa in ayada oo dowladda federaalka aysan ogolaan la baahiyo. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa war-saxafadeedka soo dhigtay barteeda twitter-ka, taasi oo muujineysa inay ku qanacsan tahay. Ilo-wareedo ku sugan Jabuuti kana mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay rumeysan yihiin in arrintan ay ka dambeeyaan xubno ka mid ah dowladda Jabuuti oo si hoose ula shaqeynaya Somaliland. “Arrintan waxaa loo sameeyey in wada-hadallada dhinacyada la fashiliyo, waana ogaan doonnaa sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo codsaday inaan la magacaabin. Waxaa hadda la filayaa in lasoo saaro war-murtiyeedka kale, balse ma cadda sida Somaliland ay kaas raali uga noqon doonto. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab rasmi ah kasii saarto arrintan. Hoos ka arag war-murtiyeedka ay diiday DF Share this post Link to post Share on other sites