Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo mudda bil ah dib u dhigay Shirarka Urur Siyaasadeedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa mar kale soo saaray Qoraal ku socda Ururada Siyaasadda Puntland oo la xiriira soo dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta Ururadaas.

Guddiga oo qiimaynaya Xaaladda Xanuunka COVID-19 iyo Mudnaan-siinta Bed-qabka Bulshada ayaa amar ku bixiyay in mudda bil ah dib loo dhigo Shirarka ay Urur Siyaasadeedyadu qabsan lahaayeen oo qayb ka ah dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad Diiwaan-gelinta.

Guddigu wuxuu ku wargeliyay dhammaan Urur Siyaasadeedyada in ay Wakhtiga loo qabtay ku soo dhammaystiraan Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta marka laga reebo Qabashada Shirarka oo dib loogu dhigay sababa la xiriira Faafidda Xanuunka Coronavirus.

Sidooo kale Guddigu wuxuu bogaadiyay dadaalka ay muddooyinkii u dambeeyay wadeen Ururada Siyaasadda Puntland oo ku aaddan soo dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta.

Hoos ka akhriso Qoraalka guddiga

TPEC.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka Puntland oo mudda bil ah dib u dhigay Shirarka Urur Siyaasadeedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this