Sign in to follow this  
Deeq A.

“JABUUTI Dhankeeda, Dhawaaq Farax Leh Mooyee, Dhiillo Kama Sugaayo…” Yuusuf Garaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Aragtideyda kooban ee Wadahadalka Djibouti ee Maantu waa soo dhoweyn iyo bogaadin Madaxda kulantay iyo kuwa gogosha dhigay.

Waan jeclaa in ay taladu ka soo maaxatay Maskax Soomaaliyeed.

Waan jeclaa in wadahadalku uu ku kooban yahay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland.

Waan jeclaa in jilyaaasha ku lug leh wadahadalka labada dhinac aanay noqon liis furan oo mar kasta qaar hor lihi uu ku soo biiro karo. Laba dal oo ku cusub waanwaantaan iyo waxaan maqlayaa urur Goboleed ay ku bahoobeen in ka badan 20 dal oo isna ku soo biiray.

Waan jeclaan lahaa in shirku uu qabsoomo xilli aan doorasho loo ballansaneyn si Madaxda wadahadleysaa ay u ogaan karaan xilliga kan xiga ee la kulmayo, cidda kulmeysa iyo intaa ka hor howsha la wada qaban doono.

Waan jeclaan lahaa in Madaxweynuhu inta aanuu ka dhoofin Muqdisho uu la fariisto Madaxweynihii wadahadalka soo billaabay iyo Madaxweynihii halkiisii ka sii waday oo waliba heshiiskii ugu dambeeyay isla magaalada Djibouti kula saxiixday Somaliland 21 Disembar 2014.

Labada Madaxweyne ee hore waxay deggan yihiin laba guri oo mid kastaa uu u muuqdo madaarka.

Laguma khasbana in laga wada qaato ama xataa qaarkeed laga qaato laakiin haddana ilama qummana in ay ku baaqato khibradda iyo xogta ay ka hayaan arrinkaan masiiriga ah.

Intaas oo jirta haddana waan ku faraxsan ahay waana soo dhoweynayaa kulanka maanta ee caasimadda Jamhuriyadda Djibouti.

Waxaan rajeynayaa in uu wax taro isfahamka iyo isu soo dhowaashaha Soomaalida.

Madaxweynaha gogosha fidiyay waan ku kalsoonahay in uu mabda’iisu yahay in uu gacan ka geysto isfahamka Soomaalida, hore ayuuna marar badan u muujiyay.

Guul loo aayo oo taariikhda gasha ayaan Rabbi uga baryayaa kulanka Djibouti ee June 2020.

Djibouti dhankeeda,

Dhawaaq farax leh mooyee,

Dhiillo kama sugaayo.

W/Q Yuusuf Garaad Cumar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this