Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidii Farmaajo & Weftigiisa loogu soo dhaweeyay Jabuuti+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidii Farmaajo & Weftigiisa loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya wadahadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

far-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 far-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 far-3.jpg?resize=696%2C481&ssl=1 far-4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this