Deeq A. Posted June 14, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Shir saddex geesood ah oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay, IGAD iyo AMISOM ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan wada shaqeynta u dhexeysa saddexdaasi dhinac. Kulanka oo ku qabsoomay Video Conference ayaa waxaa diirada lagu saaray howlaha xafiisyada UNSOM, IGAD iyo AMISOM. Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday geeddi socodka iyo xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya. War kooban oo ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan ayaa lagu faah faahiyey kulankaasi , iyadoona lagu sheegay in dhammaan xubnahaan ay isla meel dhigeen waxyaabihii ay ka wada hadleen. “Waxa aan ku faraxsanahay in maalmihii la soo dhaafay aan saxiixnay Heshiis Isfaham oo u dhexeeya AMISOM, IGAD iyo UNSOM, oo aan ku xoojineyno iskaashigeenna iyo iskaashigeenna aan hore ugu taageernay Hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo aadaya, xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, dowladduna ay um diyaar garoobeyso doorasho dhacda 2020/2021-ka. Share this post Link to post Share on other sites