Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigga ciidanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo bambaanooyin ah ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay baahisay in khasaare lixaad leh gaarsiisay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, walow aysan shaacin tiro ahaan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada huwanta oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse waxaa lagu soo warramayaa ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Jubbooyinka ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolladaasi oo ku yaalla koonfurta dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this