Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdiga madaxda Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhoweeyey JABUUTI

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Garoonk Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

104111666_3068824866535304_1864896197047 104191312_3068825056535285_6577796599261 104544200_3068824616535329_9518590593614 83419598_3068824766535314_69595352215934 104474048_3068823316535459_3347677024323 104058609_3068824296535361_7752872189108 104160992_3068824469868677_3009006905794

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this