Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsatay Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in ay si ku meel gaar ah u aqoonsatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu si ku meel gaar ah u aqoonsatay dib u doorashada madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam inkastoo qoraalka lagu xusay in doorashadaasi aysan si sax ah u dhicin.

Qoraalka waxaa lagu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne ku meel gaar ah uu Jubaland maamula mudda laba sannadood ah taas oo ka bilaabanaysa xilligii dib loo doortay.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen in uu gogol u fidiyo dadka diiddan maamulkiisa si loo helo Jubaland midaysan oo heshiis ah islamarkaana ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay.

niii.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsatay Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this