Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii uu Hoggaaminayey Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

FB_IMG_1592124486363.jpg FB_IMG_1592124494686.jpg FB_IMG_1592124497298.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this