Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda ugu sareysa Somalia oo goordhaweyd Hal diyaarad ka raacay Muqdisho,Una dhoofay Jabuuti+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda ugu sareysa Somalia oo goordhaweyd Hal diyaarad ka raacay Muqdisho,Una dhoofay Jabuuti+Sawirro

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya ,kuwaa oo ku wajahan dalka Jabuuti oo la filayo in wadahadalo ka furmaan.

Wafdiga dowlada ee Muqdisho ka dhoofay waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal , Ra’iisul Wasaare Khayre iyo xubno kale oo labada golle katirsan.

Madaxda ugu sareysa Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti u aaday sidii wadahadalo xasaasi ah ula yeelan lahaayeen Madaxda maamulka Somaliland oo iyana saakay u safray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kusoo aaday xili xasaasi ah, waana markii ugu horeesay Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka si wadajir ah uga qeyb galaan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo mudo hakad ku jiray.

 madax-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 madax-2.jpg?resize=696%2C500&ssl=1 madax-3.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this