Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo Gaaray DJibouti

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa goordhow gaaray magaalada dalka  Djibouti, waxaana garoonka diyaaradaha Ambouli ku soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalka Jibouti.

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana uu ka mid yahay martida lagu casuumay ka qeyb galka shirka sida uu horay u sheegay marigaliyaha shirka Ismaaciil Cumar Geelle.

Furitaanka Shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, safiirrada Mareykanka, midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this