Sign in to follow this  
Deeq A.

XASUUSTII GEN. MAXAMED DIRIR IYO QISADII DAACADNIMADA

Recommended Posts

Deeq A.   
199.jpg?w=1000&ssl=1Sarreeye Gaas Maxamed Dirir 1919-2014

Sabti ku beegnayd 14-june 2014, waxaa Caasimadda Garoowe ku geeriyooday halyeey u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kamid ahaa as’aasayaashii Dowladda Puntland; Waa Sarreeye Gaas Maxamed Axmed Samakaab oo ku magac dheeraa (Maxamed Dirir).

Maanta oo Axad ah, 14-June 2020, Alle ha u naxariistee, Geeridiisa waxaa laga joogaa mudda lix sannadood ah, haddaba waxaan doonayaa in aan wax yar dib u milicsado Qisooyin iyo Duruus dhaxal-gal ah oo aan weli ka xasuusto Taariikh Nololeedkiisa, si looga faa’ido Casharro ku saabsan Qiyamka iyo Hoggaaminta Suubban ee ku dhisan Caddaaladda iyo Hufnaanta Shakhsiyeed.

TAARIIKH NOLOLEEDKIISA 1919-2014

Alle ha u naxariistee, Gen. Maxamed Dirir wuxuu sannadkii 1919 ku dhashay Ceelka loo yaqaanno Barda-Cad ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, wuxuuna u weynaa 15 walaalihiis ah. Aabbihiis Axmed Samakaab Ciise wuxuu xilligaasi ku xigeen u ahaa nin lagu magacaabi jiray Dalla’aan oo Magaalada Gaalkacyo u qaabilsanaa Saldanadii Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid ee fadhigeedu ahaa Magaala-xeebeedda Hobyo

Gen. Maxamed Dirir, wuxuu shaqadiisi u horraysay oo ciidanimo ahayd qortay sannadkii 1935, isagoo xilligaas da’diisu ahayd 16 sanno-jir, waxaana uu mudda 80 sannadood ah ku shaqaynayey Ciidannimo laga bilaabo Askari Dable ah ilaa uu ka gaaray Derejada Major General (Sarreeye Gaas).

isbatoore.jpg?w=1000&ssl=1Xilliyadii Isbatooranimada

AUN Maxamed Dirir, wuxuu Isbatoore ka noqday Baandadii Talyaaniga, isagoo sidoo kale la soo shaqeeyay Ciidankii Ilaalada Ingiriiska iyo Dowladdii Daakhiliga ka hor Xorriyadda, balse wuxuu nasiib u yeeshay in uu kamid noqdo Ciidankii u horreeyay ee lagu as’aasay Xoogga Dalka Soomaaliyeed sannadkii 1960, inkastoo aysan Derejadiisa wax iska beddelin uu weli ahaa Isbatoore (Saddex Xarigle).

WAAYIHIISI XOOGGA DALKA

Mudadii u dhexaysay 1960-1989, wuxuu dallacaad kala duwan ku helay Shaqa wanaag, Geesinimo, Daacadnimo iyo Hufnaan, isagoo ka qayb-galay labadii dagaal ee Soomaaliya la gashay Waddanka Ethiopia (1964 & 1977) gaar ahaanna wuxuu billad geesi ku qaatay Dagaalkii 77 oo uu kamid ahaa Ciidamadii ka dagaallamay dhinaca Goday, halkaas oo uu ku dhaawacmay, waxaana Dowladdii Soomaaliya kaga dhacday Derejada Gaashaanle Sare.

Sarreeye Gaas Maxamed Dirir, wuxuu ka soo shaqeeyay Talisyadii Ciidamada Xoogga Dalka ee Muqdisho, Baydhabo, Luuq Ganaane, Beled Xaawo, iyo Kulliyadii Tababarka Ciidamada ee HIILWEYNE oo uu kamid ahaa Saraakiishi u horraysay ee ka hawl-gala ka hor intaan 1973-dii loo beddelin Taliska 54-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo ku yaalla Magaalada Garoowe.

BURBURKII KADIB

1991 markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya , oo nin dhifa mooyee qof waliba bililiqaystay Hantidii Dowladda, Gen. Mohamed dirir wuxuu ku mintiday in aan la bililiqaysan Xerada 54-aad oo uu illinka ka fariistay. Xerada keliya ma badbaadine xataa wuxuu diiday  in la dhisto, Soonihii loo yaqaannay Zona Militare oo ku beegnaa 2.5KM oo gees walba ka xiga Xerada 54aad.

1992-dii, Puntland waxaa weerar ku soo qaaday Argagixisadii la baxday ITIXAAD ,oo uu hoggaaminayay Xassan Daahir Aweys, waxaana Malayshiyaad ka tirsanaa Argagixisadaas oo weeraray Taliska 54-aad ay dhaawac culus gaarsiiyeen Sarreeye Gaas Dirir, inkastoo uu markii dambe ka soo kabtay dhaawacaas.

Sidoo kale, Marxuumku wuxuu kamid ahaa as’aasayaashii Dowladda Puntland sannadkii 1998-dii lagu dhisay Xerada 54-aad ee Magaalada Garoowe, waxaana Madaxweynihii u horreeyay ee Dowladda Puntland AUN Col. Cabdullaahi yuusuf Axmed u dallacsiiyay Derejada Sarreeye Guuto ( Brigadier General) taasi oo uu ku mutaystay Shaqa Wanaag, Hufnaan iyo Daacadnimo.

Mar kale, waxaa Derejada sarreeye Gaas (Major General) u dallacsiiyay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) kadib markii uu ku qiimeeyay Sifooyinkiisa Shakhsiyeed ee Shaqa Wanaagga, Hufnaanta iyo Daacadnimada ku dhisan.

QISOOYINKA KU SAABSAN HUFNAANTIISA IYO DAACADNIMADIISA

AUN. Mohamed dirir  awlaadda ka farcantay markii uu geeriyoodayd tiraddodu waxay ahayd 165. Salaad kasta oo uu tukado Ilaahay buu u shukriyi jiray, erayadiisana waxaa ka mid ahaa “ Ilahow Cimri baad I siisay, ilaahow caafimaad baad I siisay, Ilaahow awlaad baad I siisay oo isma lihi qof dunida jooga baa kaa qanisan oo ilaahow WADANi baad iga dhigtay, iyo ka badn…Alxamdulillah.

Dardaaranka Gen. Maxamed-Dirir Ilmihiisa kula dardaarmi jiray wuxuu ahaa “ Maandhooyinow, hantidiina aad tacbateen, idinkaa xor u ah, waxanse idin leeyahay dhaqaalaysta, waxna ka bixiya oo sadaqaysta. Wuxuu ummadda laguu dhiibo oo hanti ah, waligaa marti ka ahow oo micnaheedu yahay, ha laguugu yimaado oo ha ku tagrifalin, waligaaba ogsoonow in Aakhiro iyo xisaabi kaa dambeyso.”

GEN. MAXAMED DIRIR IYO QISADIISI DAACADNIMADA

Generaal Mohamed Dirir oo gurigiisu magaalada ku yaal uu awoodi waayay  in uu gurigiisa u soo hoydo,uuna ka door biday in uu Xerada 54-aad dhex seexdo, si uu u ilaaliyo Xerada iyo Hantida dhextaalla iyo in uu u kuur galo galo waxna ka ogaado Nolosha Ciidanka Xerada deggan. Maxaa dhacay haddaba?

Marxuumka Quraac, Qado iyo Cashaba gurigaa looga soo qaadi jiray, rashin kasta oo loo keeno, Caano ayaa la socon jiray, Caanaha waa loo sonkorayn jiray. Habeen habeenada ka mid ah, ayaa caanihii Sonkortii laga illaaway, xaajiyadiisii oo subaxdii quraacdii u gaysey, rabtayna in ay ka soo qaaddo welkii xalay cashada loogu geeyay, ayaa aragtay caanihii oo meeshii ay dhigtay yaal oo uusan dhamin.

Waxay weydiisay sabata uu caanaha u dhami waayey? waxuu ugu jawaab “ Walaal sonkortii baad ka soo Illowday”. Waxay ku tiri: Kaydkii dhammaa oo raashinka baad dhex jiiftaaye, maad jawaankaan Sonkorta ee afka ka furan QAADDO SONKOR AH kaga darsatid!  Wuxuu ugu jawaabay “anigu ma lihi, waa xoolo umadeed oo ciidankaa iska leh – fasaxna uma haysto”. Nin sifahaas le, Somaali Maanta aad buu ugu yaryahay, Ilaahay ha u naxariisto.

GABA-GABO

Bishii July 2014, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Shir-guddoominayay Kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Puntlandd, wuxuu Kulankaas ka ballan-qaaday in Xerada 54-aad loo bixinayo “ Xerada Gen. Maxamed Dirir” inkastoo Ballan-qaadkaasi uusan weli fulin.

Waxaase is weydiin mudan, Scola Polizia Mogadishu waxaa loogu magac daray General Abshir Kaahiye maxaa diidaya in Xerada 54 aad loogu magac daro Sarreeye Gaas Maxamed Dirir?

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Marxuumku markii uu geeriyooday uu Ifka uga tegay Agoon yar yar, kuwaas qaadan jiray Mushaharkii iyo Gunnidii uu Dowladda ku lahaa. Mushaarka kuma ay xisaabtami jirin  maadaama uu ahaa wax marna la helo marna la waayo ilaa maantada la joogo, waxaysi si joogta ah bil walba u heli jireen oo ku xisaabtami jireen Gunnadii, iyaduna waxay ka istaagtay laga soo bilaabo bishii January 2019.

W/Q: Cabdiraxmaan Ciise Cumar

Afeef: Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan

The post XASUUSTII GEN. MAXAMED DIRIR IYO QISADII DAACADNIMADA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this