Deeq A. Posted June 14, 2020 (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti ballaadhan uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiir Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka. Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir Maanta u furmaya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo goobjoog ka noqon doona Shirka dhexmarin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Shirka oo furmi doona saacadaha soo socda ayaa waxaa weli la shaacin Ajendayaasha lagaga hadli doono, hayeeshee Shirkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa wada-hadallo hore u dhexmaray Somaliland Iyo Soomaaliya Source Share this post Link to post Share on other sites