Deeq A. Posted June 14, 2020 Waxaa gordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaalia, Maxmed Cabdullaahi Farmaajo kuwaas oo ku sii jeeda wadanka Jabuuti. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti. Waxaa sidoo kale la filayaa in Djibouti ay gaaraan wafdi ka socda Somaliland oo hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi, oo ay qeyb ka yihiin wasiirka Arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha golaha Guurtida. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites