Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo askar goosatay ku soo bandhigay Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay labo Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ay sheegeen inay isku dhiibeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askartan ku soo bandhigtay magaalada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Magacyada labadaasi askari ayaa waxaa lagu kala sheegay, Xasan Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa guutada 43-aad ee cidamada dowladda iyo Deeq Xasan Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada nabad sugidda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay askartaasi ka howlgalayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay la soo goosteen hubkooda.

Weli ma jiro wax hada ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan askartaasi lagu soo bandhigay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Al-Shabaab askar u goosatay dhankeeda ku soo bandhigto gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this