Deeq A. Posted June 14, 2020 Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka qayb-galaya Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, ayaa saaka oo Axad ah ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Wefdiga ayaa ku sii jeeda Magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ka dhacayo Kulanka labada dhinac, waxaana Socdaalkiisa ku weheliya Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Arimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka Maaliyadda Dr . Sacad Cali Shire, Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada-hadallada labada dhinac Dr Adna Aadan Ismaacil. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo markii Wefdigu Garoonka ka dhoofayay si kooban ula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in kulanka labada dhinac ay qaban-qaabiyeen Dalalka Maraykanka iyo Jabuuti, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin ajandaha kulankaas. Wasiir Faratoon, ayaa sheegay in ajandaha kulanka laga wada-hadli doono, kadib markii labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland uu kulankoodu bilowdo, balse aysan inta ka horraysa ka warbixin karin. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka hadashay Kulanka Jabuuti appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites