Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay waddanka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka DJabuuti.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiiisa ku weheliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Wefdiga ayaa dalka Jabuuti kaga qayb-galaya Wada-hadallo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kuwaas oo ay qaban-qaabiyeen dowladaha Maraykanka iyo Jabuuti.

Dhinaca kale waxaa saaka jabuuti u dhoofay Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Guurtida Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha maamulkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this