Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya waddanka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sida qorshaysan maanta oo Axad ah ku kulmaya magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka DJabuuti.

 Madaxweyne Farmaajo, waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehelin doona Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, guddomiyaha Baarlamaanka, wasiirka arrimaha debadda iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa socdaalka ku wehelin doona guddoomiyaha golaha  guurtida Somaliland, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka.

Kulanka labada dhinac oo ay fududaysay safaaradda Maraykanka ee Somaaliya, waxaa marti gelinaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan furitaankiisa ku casuman Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed iyo wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Balse, waxaan ilaa iyo haatan si rasmiya u caddayn Ajandaha Kulanka iyo qodobada miiska u saaran dhinacyada kulmaya ee dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland oo mowqifyo adag kala taagan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this