Deeq A. Posted June 13, 2020 Shir labo beelood maalmihii tagay uga socday deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudud ayaa maanta laga gaaray heshiis hordhac ah, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed, labada dhinac ayaa isla gartay in nabad iyo xasilooni logu soo dabaalo deegaanka. Colaadda beelahaan ayaa soo taagneyd mudada dheer oo gaareysa 40 sano sida lagu xusay bayaanka ayaa in xal laga gaaro waxaa horseed ka ahaa isimada labada dhinac iyo xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Wajiga labaad oo lagu dhameystirayo heshiiska ayaa lagu wadaa in 20 June 2020-ka uu ka dhaco deegaanka Goldogob ee gobolka Mudug, Halkaan Ka Akhriso War-murtiyeedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites