Deeq A. Posted June 13, 2020 Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka. “Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka,” ayuu yiri wasiir Ducaale. Goobjoob News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites