Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Shaqaale ku eedaysan musuq maasuq oo maxkamad la soo taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhegaysiga dacwad loo haysto xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo lagu soo edeeyay musuq-maasuq hantiyeed.

Dadkan dacwadahooda la dhegaystay ayaa gaaraya10 shaqaale ah kuwaas oo ay ku jiraan agaasime waaxeedyo iyo agaasime guud.

Dhammaan xubnahan ayaa xeer ilaalinta dalka waxay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Cabdi khaddar Maxamed Xasan oo goob joog ka ahaa maxkamada ayaa sheegay iney tahay fal foolxun in shaqaalaha dowladda lagu soo eedeeyo arrimo la xiriira musuq maasuq, halkii ay eheyd iney iyaga la dagaalaan musuqa.

Hay’adaha baarista ayuu faray iney si adag ula socdaan oo ay baaris dheeriya ku sameeyaan shaqaalaha xafiisyada dowladda, iyadoo cidii musuq lagu helana aan loo sameyn doonin wax cafis ah.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Shaqaale ku eedaysan musuq maasuq oo maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this