Deeq A. Posted June 13, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wefdi uu hoggaaminayo oo safar dhul ah ku maraya degaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa maanta gaaray degaanka Bitaale. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan labada gole ee maamulka iyo Xildhibaano ka socda Federaalka oo ka soo jeeda Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shacabka iyo maamulka Bitaale uga mahad celiyay soo dhowaynta ay u sameeyeen dadka degaanka. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku sugan yahay degaanka wuxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa maamulka iyo Bulshada degaankaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray degaanka Bitaale appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites