Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Shaacisay Kiisaska Ka Soo Kordhay COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda hormarinta caafimaadka ee Somaliland ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xanuunka Coronavirus ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay  COVID-19 uu soo ritay 43 ruux,  ka dib markii la baaray 2150 qof.

Wasaaradda ayaa sidoo kale  xustay in xanuunka uu u geeriyooday 1 ruux kaas tirada dadka Somaliland ugu dhintay ka dhigeyso 27 ruux, wasaaraddu waxaa ay intaas ku dartay in guud ahaan dadka xanuunka dib uga soo bogsadeen  ilaa hadda ay gaarayaan 90  qof.

Tirada wasaaradda hormarinta caafimaadka Somaliland maanta ay shaacisay ayaa guud ahaan waxaa ay ka dhigeysaa dadka xanuunka uu ku dhacay gudaha Somaliland yihiin 547 Ruux.

Somaliland ayaa waxaa ay ka mid tahay goobaha uu sida weyn u saameeyey xanuunka COVID-19 haba ugu badnaato magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah.

No photo description available.

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this