Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Stephen Townsend oo ka wada hadlay howlgalada ka socda Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimadda Online) Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Janaraal Stephen Townsend oo ah taliyaha AFRICOM ayaa ka wada hadli doona hawlgalka Midowga Africa ee ka soconaya gudaha Soomaaliya.

Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee jooga qaaradda Afrika ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kula kulmay mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo ka tirsan hogaamiyayaasha dalkaas.

Sida la faafiyay waa markii ugu horreysay uu taliyaha socdaalo tan iyo markii uu adduunka ka dilaacay xanuunka COVID19, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti ay isbaheysi muhiim ah u tahay Mareykanka isla markaana ay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyahiin.

Stephen wuxuu ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidamada midowga afrika ee AMISOM ku amaanay sida ay door muuqda uga qaateen la dagaalanka ururka Al-Shabaab ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya kana tirsan AMISOM waxey ku sugan yahiin gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya, Stephen ayaana uga mahad celiyay dowladda Jabuuti taageerada ay siiyeen ciidamadooda intii lagu jiray marxaladaha cuslaa ee COVID19.

Taliyaha guud ee Militariga Jabuuti Daahir Cali Maxamed, Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cabdi Yuusuf iyo Wasiirka gaashaandhigga dalkaas Xasan Cumar Maxamuud Burhaan ayuu Janaraal Stephen Townsend kula kulmay saldhigga ay mareykanka ku leeyahiin Camp Lemonnier.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this