Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo ku baaqay bannaanbaxyo beeleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Oslo (Wararka PP) — Xubno ka tirsan jaalliyadda Soomaaliyeed ee Oslo, caasimadda Norway,  oo shir dhowaan yeeshay ayaa ugu baaqay dadka Xamar ku nool inay abaabulaan bannaanbaxyo aan kala go’ lahayn si loo wiiqo dowladda federaalka.

 Puntland Post ma xaqiijin karto in qof kasta oo shirka ka hadlay leeyahay magaca xiriiriyuhu xusay marka la daawado muuqaalka shirka laga soo duubay oo lagu wadaagay baraha bulshada. Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ka midaysan dareen ah in xaqa beelaha Muqdisho sheegta lagu xadgudbay.

Mid ka mid ah ragga meesha ka hadlay ayaa ku tilmaamay siyaasiyiinta beelaha kale ka soo jeeda, oo Muqdisho ku sugan, kuwo lagu masruufo hoteello Muqdisho ku yaalla.

Maalmahan waxaa socday doodo ku saabsan maqaamka caasimadda Soomaaliya. Mid ka mid ah ragga shirka ka qaybgalay ayaa si bareer ah u xusay magacyada beelo Soomaaliyeed iyo magaca taliyaha ciidanka booliska, oo uu ku eedeeyay inuu ku kacay gaboodfal  ka dhan ah beel Soomaaliyeed xilligii taliskii militarigu Soomaaliya ka arrimminayay.

Sharciga magangelyo-doonka Norway wuxuu dhigayaa in dadka magangelyada la siiyay aysan u bannaanayn adeegsiga hadallo kicin ah iyo hurinta colaado siyaasadeed.

Qofka Soomaaliyeed wuxuu magangelyo Norway kaga helaa sababo ay ka mid yihiin barakac iyo in beelo hubaysani halis ku yihiin noloshiisa.

© Puntland Post, 2020

The post Xubno ka tirsan jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo ku baaqay bannaanbaxyo beeleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this