Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Jabuuti Iyo Kulan Uu La Qaatay Madaxweyne Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa booqasho ku tegay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, iyagoo halkaas markii uu gaadhay si weyn loogu soo dhaweeyay.

Intaas kadib Taliye Jeneral Stephen ayaa Xarunta Madaxtooyadda Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle iyo Stephen Townsend ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dalka iyo Ciidanka Jabuuti iyo kuwa AFRICOM.

Stephen ayaa waxaa uu sheegay in Jabuuti ay Mareykanka u tahay Isbahaysi muhiim u ah, isagoona uga mahad-celiyay taageerada ay siiyeen Howlgalada loo yaqaano loojistikada ee AFRICOM, xilligii lagu guda-jira ka hortega Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa bogaadiyay dadaalka Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this