Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii U Dambeeyay Ee Dab Xoogleh Oo Ka Kacay Kaymaha Waqooyiga Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dab baaxad leh ayaa ka kacay dooxada dhalin Waraabe oo u dhaw Af-cad oo ka tirsan deegaanka ilinta dhexe ee Waqooyiga Hargeysa.

Dabkan oo aan ilaa haatan la ogayn waxa sababay ayaa la sheegay inuu yahay dab aad u baaxad leh, waxaana jira gurmad loogu jiro sidii loo joojin lahaaa.

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in la wado joojinta dabkaasi isla-markaana la samaynayo Moos weyn oo lagu joojinayo.

Maayarku wuxuu sheegay inay socdaan dedaalo ay wadaan Maamullada degmooyinka Daaraslaam, Bulloxaar iyo Shirkadda Somcable oo halkaa u dirtay Cagafyo sameeya moos lagu joojiyo.

Halkan hoose ka Daawo Maayarka Hargeysa oo ka hadlay dabka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this