Sign in to follow this  
Deeq A.

Calanka Midowga Africa ee sudhan Muqdisho & Xarumo kale oo hoos loo dhigayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Calanka Midowga Africa ee sudhan Muqdisho & Xarumo kale oo hoos loo dhigayo

 

Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM  ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale iyo dhamaan fariisimaha ay ku leeyihiin Soomaaliya si ay xurmo uga sameeyaan madaxweynihii Burundi, Pierre Nkurunziza oo geeriyooday asbuucii hore.

Madaxa AMISOM, Ambassador Modera oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre si madaalenimo ah uu ugala shaqeeyey midowga Africa sidii nabbad iyo amaan looga dhigi lahaa Soomaaliya.

Modera ayaa faray xarumaha AMISOM in ay calanka Midowga Africa hoos u dhigaan ilaa laga gaarayo habeenka Salaasada saqda dhexe, June 16, taasi oo ah xus, ay ku xushmaynayaan kaalintii Madaxweyne Burundi uu ku lahaa hawsha aya ciidankaasi ka hayaan dalka Soomaaliya.

Ciidanka Burundi ayaa kamida ciidanka AMISOM ee mudada ka badan 10-sano hawl-galka nabbad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, waxaana ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo labada Shabelle.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this