Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegay inay weerareen goob ay isku uruursanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo ku taalla deegaanka Banka Jiira oo hoostaga degmaada Afmadow, waxaanahalkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo dheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa guullo sheegtay, waxaana ay shaaciyeen inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Saraakiisha u hadashay Jubbaland ma shaacin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaase weli dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this