Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Nabadaynta Bandiiradley oo War-murtiyeed laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba kamid ah Beelaha Gobolka Mudug oo maalmaha Shir Nabadeed uga socday Degaanka Bandiiradleey ee Gobolkaasi ayaa Maanta oo Sabtiya War-murtiyeed ka soo saaray Shirkaasi.

War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in Shirka lagu go’aamiyay in laga heshiiyo Colaaddii mudada dheer u dhexaysay labada Beelood islamarkaana Nabad waarta laga hirgeliyo Degaanka.

Shirka waxaa ka qayb-galay Waxgaradka iyo Isimada labada dhinac oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ku matala labada Beelood ee Shirka yeeshay.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta 20-June 2020 lagu qaban doono Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug si loo sii dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka

1-12.jpg?w=1000&ssl=1 2-8.jpg?w=1000&ssl=1 3a.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirkii Nabadaynta Bandiiradley oo War-murtiyeed laga soo saaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this