Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo markale BALCAD ka fuliyey weerar culus iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi, taas oo ku taalla wadada ka timaada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad socday muddo daqiiqado ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanadii weerar qaaday ay markii dambe dib u gurteen, iyadoona goobihii lagu diriray ay ku suagn yihiin ciidanka dowladda.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Balcad, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana degmadaasi howlgalllo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ay Al-Shabaab weerar culus ku ekeysay degmada Balcad oo xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this