Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday laba saldhig oo ciidamada DF ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Africa ayaa weeraro culus ku qaaday laba saldhig oo ay Ciidamada ku leeyihiin Deegaannada Awdheegle iyo Bariire oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaannada Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa si weyn looga maqlayey diryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac..

Dagaalka ayaa socday muddo kooban sida dadka deegaanka  sheegeen, waxaana howlgal ku dhaqaaqay Ciidamada DFS ee ku sugan Saldhigga ay la weeraray.

Saraakiil katirsan Militariga Dowladda ayaa sheegay in ay kahor tageen weeraro Al-Shabaab qorsheeyeen, mana sheegin waxyeelada dhankooda gaartay, balse Al-Shabaab ayay sheegeen in ay gaarsiiyeen Khasaare aysan soo bandhigin tiradooda.

Ciidamada Dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada qaybo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose, waxaana mararka qaar uu sababaa isku dhac dhexmara Askarta iyo Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka waxa uu sheegay in ay ka go’an gacan ku dhigista deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Gen. Cabdixamiid oo dhawaan kormeeray xeryaha Ciidamada waxa uu kala hadlay duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this