Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuhuuda ku nool UAE oo u dabaal-degay xidhiidhka Abu Dhabi & Tel- Aviv

Recommended Posts

Deeq A.   

Yuhuuda ku nool UAE oo u dabaal-degay xidhiidhka Abu Dhabi & Tel- Aviv

Yahuuda ku nool Imaaraadka oo u dabaal-degaya xiriirka Abu Dhabi iyo Tel Aviv

 Yahuudda ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa bilaawday cinwaan twitter ah, kaas oo ay ku metelayaan bulshadooda ku nool dalkaas oo ka kooban 3,000.

Wax yar un kadib markii ay bilaabeen, akoonka waxaa uu helay in ka badan kun qof oo raacsan, kuwaas oo Following dhahay ciwaanka cusub.

Kowdii bishan June, akoonka waxaa lagu soo qoray ducooyinka Yahuudda ku nool wadanka Imaaraadka iyo ciidankooda, taasi oo u muuqatay in lagu horumarinayo xiriirka u dhaxeeya Tel-Aviv iyo Abu Dhabi.

Muuqaal lagu daabacay cinwaankaas ayaa waxaa uu ku bilaabanayaa meel saxare ah iyo nin xiran duubka raga Imaaraadka oo gacanta ku haya calanka wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. 

Our blessings for the UAE
دعاء من أجل #الإمارات
Part 1 pic.twitter.com/JudlzkyEnr

— Jewish Community of the UAE (@JewishUae) June 1, 2020

Waxaa uu muuqaalku ku dhaamanayaa qol macbad ah iyo nin Yahuudi ah oo duceysanaya, islamarkaana gadaal laga toogtay.

Muuqaalka waxaa sidoo kale ku jiray sawirrada Madaxweynaha Imaaraadka Khalifa bin Zayed Al Nahyan iyo Madaxweyne ku xigeenka Mohammed bin Rashid Al Maktoum, sidoo kalena isku ah Ra’iisul wasaaraha Imaaraadka iyo maamulaha Dubai. Lama xaqiijin karo sax-ahaanshiyaha muuqaalkaas.

Sida ay baahisay warbahinta Yeshiva World News Portal, illaa iyo 3,000 oo Yahuud ah ayaa ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo markoodii hore ka kala yimid dalalka Mareykanka, Europe iyo Koonfur Afrika.

We are so proud of #MrSollyWolf the President of the #JCC

Living up to the true #Tolerance and #Coexistence of the UAE 🇦🇪🇦🇪🇦🇪

“We are blessed and proud to live here and be part of this great country 🇦🇪https://t.co/EpQN70Q4zU

— Jewish Community of the UAE (@JewishUae) June 11, 2020

Warbaahinta Bloomberg ayaa sidoo kale bahisay in bulshadda Yahuudda ah ee ku nool Imaaraadka Carabta ay kusoo billowdeen markii uu hagaagay xiriirka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Israel.

Jews once lived in the shadows of the UAE. Now they're praying for the government and its armed forces as relations warm between Israel and the emirates. https://t.co/OXlW9oeR3x

— Bloomberg Middle East (@middleeast) June 3, 2020

Sanadkii lasoo dhaafay, wargeyska Gulf News ayaa sheegay in magaalada Abu Dhabi laga dhisayo mashuuc magaciisu yahay “Abrahamic Family House Project.”

Dhismahaas oo la filayo in la dhameys tiro inta lagu guda jiro sanadkan 2020-ka, waxaa uu ka koobna doonaa qeybo kala ah Masjid, Kaniisad iyo macbadka Yahuudda.

Ilaa hadda ma jiro xiriir diblomaasi ah oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil.

Bishii October sanadkii 2018-kii, mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa cayaartooyda Israa’iil u ogolaaday inay ka qayb qaataan tartanka caalamiga ah ee Lagdanka, kaas oo lagu qabtay magaalada Abu Dhabi.

Bishii August sanadkii 2019-kii wargeyska Israel ee Haaretz ayaa baahiyay Imaaraadku uu Israel la galay heshiis dhan 3 billion oo dollar, si ay u siiso awood horumarsan ee sirdoonka, oo ay ku jiraan laba diyaaradood oo wax basaasa.

Bishan June Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa twitter-kiisa ku qoray “in la joojiyo wada hadalka ay Israel ku goosaneyso dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this