Sign in to follow this  
Deeq A.

Caynte oo soo bandhigay 6 qodob oo qasbaya in DF ay maqasho baaqa Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sharaxaad ka bixiyey qoraalkii uu Mareykanka shalay kasoo saaray xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo sababta ay dowladda ugu qasban tahay inay dhageysato.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Caynte

Bismillah,

Haddii hadalkii shalay uu ahaa farriin lasoo dhigay barta Twitter ka, maanta warmurtiyeed faahfaahsan buu Mareykanu soo daba dhigay.

Waxaan arkay dad badan oo leh “dal madax bannaan ayaan nahay, shisheeyana hadal ugama furna amuuraheenna gudaha.

Waxaan dhihi lahaa, fadlan qiimeeya qodobbadan soo socda:

  1. Soomaali heshiis ma aheyn tan iyo 1969-kii markii askartu qoriga caaraddiis ku qabsatay dalka, dastuurkii heshiiska lagu ahaana ay laaleen.
  2. Soddonkii sano ee u dambeeyay, colaad sokeeye ayaa na ragaadisay. Reer walbana xaafaddoodii ayay ku laabteen markii lagu heshiin waayay qarankii naga dhaxeeyay.
  3. Inkastoo aan dowlad caalamku aqoonsan yahay leennahay, haddana wali ma lihin tiirarka dowlnimada waarta, sida heshiis bulsho (dastuur), si dhab ahna loogama heshiin colaaddii gaamurtay. Dadkuna madaxdooda ma doortaan.
  4. Dowladdeennu kam taliso inta badan dalka oo gacanta ugu jira dowlad goboleedyo iyo Al-Shabaab. Inta ay gacanta ku haysana waxaa ku ilaalinayay 20 kun oo AMISOM ah 14-kii sano ee lasoo dhaafay.
  5. Ku dhawaad 70% miisaaniyadda Dowladda waa deeq ka timid saaxiibbada Soomaaliya.
  6. Deeq bixiyaha ugu weyn 20kii sano ee lasoo dhaafay, isla markaana ah dalka ay ciidankiisa cirku joogtada ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, waa Mareykanka. Intaas ayaana xaq u siineysa inuu talo usoo jeediyo madaxda Soomaalida. Haddii aan heshiis aan laheynna looma baahdeen taladaas.

Runtaas sida sibirka u qaraar haddaannaan isku sheegin, dhalanteed ayaan isugu bishaareyneynaa.

Wabillahi Towqfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this